Xubnihii ka socday Beesha Caalamka oo layaabay isku duubnida Qaybaha Bulshada Puntland iyo Dawladooda

Garowe(Puntland Post)-Xubnihii ka socday Beesha Caalamka oo uu Hogaaminaayey ergayga gaarka ee Qaramada midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya ayaa maalmihii u danbeeyey wada hadalo la lahaa Qaybaha kala duwan ee Bulshada Puntland iyo Dawlada iyagoo kala xajoonaayey Geedi socodka nabada Soomaaliya iyo sidii Doorasho lagu midaysan yahay uga dhici lahayd Dalka marka la gaaro Doorashada dhici doonta Sanadkan.

Xubnahan ayey la yaab ku noqotay sida ay u midaysan yihiin Umada reer Puntland iyo Dawladoodu, uguna  hadlayaan cod qura oo ah inaysan aqbali karin Nidaamka wax qaybsiga Beelaha ee 4.5 iyo Sida loo dhigay Go’aamadii kasoo baxay Madasha wadatashiga Qaran.

Xubnahan ka socday Beesha Caalamka ayaa kulamo la qaatay Dawlada Puntland, Siyaasiyiinta lagu xagliyo Mucaaradka, Odayaasha Dhaqanka, Bulshada Rayidka ah iyo Madaxweynihii Hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole waxayna si isku mid ah ugu gudbiyeen Qoraal ka tarjumaya aragtida Puntland ee Arimaha Soomaaliya, iyo Sababaha muuqda ee ay Puntland u diidan tahay Nidaamka wax qaybsiga Afar dhibic Shan.

Bulshada Puntland ayaa noqotay kuwa kaliya ee aragti isku mida kaleh arimaha Soomaaliya marka loo barbar dhigo Maamulada cusub ee ka dhismay Koonfurta Soomaaliya kuwaas oo aan weli si buuxda gacanta ugu hayn inta badan degaanada ay Maamuladaasi sheegtaan Isla markaana dadka degaanadoodu kuma midaysna Maamuladaas oo ay dhiseen Dawlada Soomaaliya iyo Beesha Caalamku

Si dhaba Looma oga inay Beesha Caalamku tixgelin doonto aragtida reer Puntland , waxaase soo baxaaya warar sheegaya inay wax badan iska badeleen aragtidii ay horey uga qabeen Go’aamadii Madasha wadatashiga iyadoo laga yaabo in qodobadaas Isbadelo degdeg ah lagu sameeyo maadama ay Puntland si buuxda uga hortimi, Cadaysana inaysan qayb ka noqon doonin Doorasho qodobadaas lagu saleeyey.

Puntland Post