Fahad Yaasiin oo gacanta loo galiyay NISA iyo Gorod oo xilkii waayay

Fahad iyo Gorod

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa  saaka xilkii  ka qaaday masuuliyiin ay kamid yihiin Taliyihii ciidanka Milateriga Soomaaliya iyo Agaasimihii madaxtooyada.

Taliyihii ciidamada Milateriga Soomaaliya Sareeye Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa xilkii laga qaaday waxaana loo magacaabay xilkaas Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe)

PUNTLAND POST ayaa bishiii hore ee July baahisay xogta ah in xilka laga qaadayo Taliye Gorod, sidoo kale loo magacaabayo Gen. Indho-qarshe.

Sababta xilka looga qaaday Taliye Gorod ayaan ku sheegnay kadib markii Taliye Gorod  iyo Madaxweyne Farmaajo uu kulan dhexmaray, ayna ka wada hadleen dagaalo Al-shabaab soo qaadeen iyo howlgaladii lagu qaadi lahaa oo sidii loogu talagalay aan u dhicin.

Taliyaha cusub ee ciidanka Milateriga Soomaaliya ayaa loo magacaabay Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) oo xiligii Madaxweyne Xasan Shiikh soo noqday Taliyaha ciidan Milateriga, waxayna magacaabistiisu qeyb ka tahay dardargelinta, xoojinta iyo tayeynta ciidamada xooga dalka.

Dhanka kale Fahad Yaasiin oo aan aqoon iyo khibrad midna u la hayn arrimaha sirdoonka ayaa Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Taliye ku xigeenka hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya (NISA) oo in dhawaale isqab-qabsi ka jiray.

Fahad Yaasiin Agaasimihii hore ee madaxtooyada ayaa ah shakhsi ay Madaxweyne Farmaajo aad isu dhowyihiin wuxuuna ka qeyb ka qaatay ololihii doorashada ee Madaxweyne Farmaajo, sidoo kale wuxuu xiriir wanaagsan la yeeyahay dalka Qadar isagoo mar ka soo shaqeeyey Telefishinka  Al-jaziira.

Xilkii Fahad Yaasiin ee Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya ayaa loo magacaaby Aamina Siciid Cali oo horey u ahayd ku xigeen.

PUNTLAND POST