Madaxweyne Farmaajo oo Xilkii ka qaaday Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidamada Milatariga Soomaaliya General Gorod.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in arintaasi ay sabab u noqotay kadib markii Taliyaha iyo Madaxweynaha uu kulan dhexmaray muddo saacado ah islamarkaasina ay ka wada hadleen dagaalo ay Al-Shabaab soo qaadeen iyo howlgaladii lagu qaadi lahaa Al-Shabaab oo sidii loogu talagalay aan u bilaaban.

Inkastoo aan wali si rasmi ah faafinta dowlada lagu soo saarin Xil ka qaadista Taliye Gorod ayaa hadddana waxaa soo baxaya ilo laku kalsoonaan karo oo sheegaya in Taliyaha Xilka laga qaaday.

Sidoo kale warar lagu kalsoonaan karo ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo uu xilkaasi u magacaabay General Indha Qarshe oo horay u ahaa Taliyihii Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadda waxa uu ku suganyahay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Muqdisho halkaasi uu kulamo kula leeyahay Taliyaashada Ciidamada Milatariga Soomaaliya isaga oo kala hadlaya dagaal lagu qaado Al-Shabaab.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho