Dowladda federaalka oo diiday barnaamij si gaara loola macaamili jiray Somaliland

Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka qorsheynta DFS

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa diiday in barnaamijka hiigsiga cusub (New Deal) si gaara loola macaamilo (Special arrangement) maamulka Somaliland.

Qoraal ka soo baxay Wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ku taariikhaysnaa 9 bishan June oo nuqul kamid ah ay heshay PUNTLAND POST ayaa lagaga codsaday maal-galiyaasha barnaamijkan in aan markan si gaara loola macaamilin Somaliland ee si toos ah loo soo mariyo dowladda federaalka Soomaaliya, sida gobolada kale ee dalka.

Baarnaamijka hiigsiga cusub (New Deal) oo bilaamay sanadkii 2013-kii ayaa ku ekaa dhamaadkii 2016-kii, waxaana hadda qorshuhu yahay in dib loo cusboonaysiiyo, waxaana barnaamijkaas horey Somaliland loola macaamili jiray si gaara, balse hadda dowladda federaraalka Soomaaliya ayaa wada in la macaamilidaas la joojiyo.

Dalka Belgeum oo ay ku taalla xarunta Midowga Yurub ayaa bishan June dhamaadkeeda lagu qaban doonaa shir caalami ah oo logu cusboonaysiinayo baarnaamijka hiigsiga cusub (New Deal), waxaana shirkaas ka qeyb gali doona madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Soomaaliya ayaa  shirar hore oo barnaamijkan ah loogu yaboohay lacago malaayiin doolar ah ,balse lama wada bixin lacagtaas, waxaana la sheegaa in beesha caalamku qaab aan saxsanayn u wajahdo caawinta shacabka Soomaaliyeed.

Hoos ka akhri qoraalka ka soo baxay Wasiirka qorshaynta DFS

PUNTLAND POST