Wasiirka Gaashaandhiga oo isku soo taagay Guddoomiyaha Baarlamaanka

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa maanta shaaciyay in uu u taagan yahay xilka Guddoomiyaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiir Maxamed Mursal  oo hadda ah mudane ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in uu sii wadayo howsha Guddoonka Baarlamaanka, haddii uu ku guuleysto xilkaas.

Sidoo kale Maxamed Mursal ayaa amaanay Guddoomiyihii hore ee is casilay Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, wuxuuna sheegay in uu meel wanaagsan gaarsiiyay Baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Mursal ayaa lagu tuhmayaa in uu yahay Musharrax ay wadato Xukuumadda Soomaaliya, si uu u badalo Jawaari oo khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Xukuumadda.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Mxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa xilka iska casilay 9-kii bishan April, waxaana xeerka Baarlamaanku dhigayaa in booskaas lagu soo buuxiyo 15 maalmood gudahood.

Shalay ayaa sidaan oo kale waxaa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya isku soo taagay Shiikh Aadan Madoobe oo Dowladii KMG ahayd ka soo noqday Guddoomiye Baarlamaan.

Muqdisho ayaa waxaa ka biloday olole doorasho oo lagu raadinayo booskii uu baneeyay Guddoomiyihii hore ee is casilay Jawaari.

PUNTLAND POST