Sh. Aadan Madoobe oo isku soo taagay Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya


Muqdisho (PP) ─
Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa shir jaraa’id uu goor-dhow Muqdisho ku qabtay wuxuu kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka banaan ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka mid ahaa Xildhibaannadii mooshinka ka waday Guddoomiyihii is-casilay ee Jawaari, isla markaana dhawr jeer ugu baaqay inuu is-casilo.

Mudane Aadan Madoobe ayaa sheegay inuu xilkan waayo-aragnimo u leeyahay, isla markaana uu xilli adag dalka u soo shaqeeyay, isagoo sabab uga dhigay inuu xilkan mar kale isku soo taago inay tahay in aqoonteeda iyo kartideeda u leeyahay, si loo helo degenaansho siyaasadeed oo dalka lagu soo dabaalo.

“Iyadoo ay dalka ka jireen duruufo adag oo aanu dhaqaale jirin ayaan soo shaqeeyay , Waxaanan waayo-aragnimo u leeyahay xilkan, waxaana go’aansaday in aan maanta isi sharraxo oo aan umadda Soomaaliyeed u soo bandhigo, anigoo ka codsanayo inay gacan igu siiyaan,” ayuu yiri Xildhibaan Aadan Madoobe.

Sidoo kale, Sheekh Aadan Madoobe ayaa horay u soo noqday guddoomiye Baarlamaan xilligii ay jirtay dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana xilka loo doortay bishii Jannaayo ee sannadkii 2007-dii, xilligaasoo xilka guddoomiyaha baarlamaanka laga qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan oo 2004-tii lagu soo doortay Kenya.

Dhanka kale, Sheekh Aadan Madoobe ayaa xilka iska-casilay bishii April ee sanadkii 2010, xilligaasoo uu ka dhashay khilaaf muddo xileedkiisa guddoomiyenimo, waxaana xal laga gaaray uu isku casilay, isla markaana dib uga soo muuqday Golihii Wasiirada ee Xukuumaddii Cumar C/rashiid oo uu ka noqday Ra’iisul Wasaare kuxigeen iyo Wasiirka Dekedaha.

Ugu dambeyn, xildhibaan Aadan Madoobe ayaa lagu xusuustaa in markii uu is-casilay Madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf Axmed uu noqday ku-sime madaxweyne muddo 33 cisho, kaddibna waxaa xilka Madaxweynaha 2009-kii loogu doortay Sheekh Shariif isku darkii labada Baarlamaan iyo Isbaheysigii Dib u xoreynta ee fadhigooda ahaa Asmara.

PUNTLAND POST