Baarlamaanka Soomaaliya oo Dalka ka mamnuucaya Shirkadda DP World

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan ku leh xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho ayaa soo saaraya go’aan ku aadan shirkada DP World ee laga leeyahay Imaaraadka.

Kulankaan oo ah mid xasaasi ah ayaa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ajandahooda ku saabsanyahay in Baarlamaanku uu go’aan ka gaaro Shirkada DP World oo lagu eedeeyay xad gudub qaranimo.

Wararka  Puntland Post ay ka heleeyso xarunta golaha shacabka ayaa sheegaya in Baarlamaanku uu guud ahaan isku raacsanyahay in go’aan laga qaato Shirkada DP World.

Go’aankaan Baarlamaanku uu gaarayo ayaa noqonayo in guud ahaan dalka Soomaaliya laga mamnuuco shirkada DP World islamarkaasina Baarlamaanku uu laalo heshiisyadii ay lagashay Maamulada Dalka.

Go’aanka Baarlamaanka kadib waxaa loo gudbin doonaa Madaxweyne Farmaajo si uu u saxiixo diidmada Baarlamaanka Soomaaliya ee shirkada DP World.

Arintaan ayaa timid kadib markii madaxda ugu sareeyso dalka Soomaaliya ay sheegeen in sharci daro ay tahay islamarkaasina dowlada Soomaaliya aan lagala tashan heshiiskii Dekeda Berbera ee ay dada galeen shirkadda DP World, Itoobiya iyo Somaliland.

Go’aankaan dowlada Soomaaliya ay ka gaartay shirkada DP World ayaa u muuqda go’aan mideeyay islamarkaasina ay taageereen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha iyo dibada marka laga reebo qaar kamid ah shacabka ku dhaqan Woqooyiga Soomaaliya kuwaasi oo go’aankaan u arka mid danahooda ka soo horjeedo.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho