Banaadir oo guul ku furatay tartanka Kubbada Cagta Dowlad goboleedyada

Waxaa galabta Garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho ka furmay tartanka Kubbada Cagta Dowlad goboleedyada Soomaaliya, iyadoo lagu furay xulalka Banaadir iyo Jubbaland

Xulka Gobolka Banaadir ayaa guul uu ku rafaaday oo 2-1 Ka gaaray dhigooda Jubbaland waxaa xusid mudan in Maxamed Cusmaan Abuukar ahaa Xiddigii dhaliyey goolka furitaanka tartankaan qeybtii danbe ee ciyaarta.

Waxaa Bari oo Sabti ah wada kulmi doona xulalka Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo ku wada jira Group-ka B.

Xulka Puntland oo difaacanaya tartankan ayaaTalaadada soo socota la kulmi doontaxulka Hirshabeelle.

PUNTLAND POST