Puntland oo dhaqdhaqaayo ciidan ka wada deegaano ka tirsan gobalka Sanaag

Sanaag[Puntland Post] Wararka warbaahinta Puntland Post ay ka helayso Degmada Hadaaftimo oo ka tirasan gobalka sanaag waxay sheegayaan in halkaas ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo u dhaxeeya Puntland Iyo Maamulka Soomaliland .

Qaar kamid ah dadka deegankasi oo la hadlay warbaahinta Puntland Post waxa ay sheegeen in dadka ay soo wajahday Cabsi weyn oo laga qabo dagaal toos ah oo ka dhex qarxa labada dhinac, gaar ahaana dhaqdhaqaaqyada hadda ka socda gobalka Sanaag oo ay suuragal tahay in ay dagaal isku bedelaan.

Ciidamo ka tirsan Maamulka gobalada woqooyi ee Soomaaliland ayaa  doonaya inay Sanaadiiqda Doorashadda ay u soo hogaamiyaan, meel 30-KM u jirta degmada Badhan ee gobolka Sanaag sida warbaahinta Puntland Post ay wararka ku helayso .

Dhinaca kale wafti uu hogamainayo Wasiirka Amniga ee Puntland Cabdullaahi Axmed Dawlad, ayaa xalay gaaray degmada Badhan oo ka tirasan gobalka sanaag si ay uga hortagaan Sanadiiqada Doorashada ee Maamulka soomaliland.

Puntland iyo Soomaliland ayaa warbahainta isku marinaya hanjabaado kala duwan Illaa iyo hadda lama saadaalin karo halka ay saldhigan doonto xaaladan, waxaana ay xaaladu maraysaa Somaliland oo doonaysa inay sanaadiiq Doorasho keento Sool, Sanaag iyo Cayn iyo Puntland oo Difaac kaga jirta.

Si kastaba ha ahaate, arrimahan ayaa kuso beegmaya xilli maalinta bari gobolada Somaliland looga dareeri doono codeynta Doorashadda madaxtinimada Somaliland.

Wixii soo kordha la soco Puntland Post insha allah

Cabdiqani Boos 

Puntland Post