Puntland oo saaka qabatay doon sida saanad hub ah

Ciidamada PMPF Puntland ayaa saaka gacanta ku dhigay dooni hub ka dejinaysa xeebta deegaanka Shimbiraale oo ku yaala buuraha Cal-miskaad ee Gobolka Bari.

Sarkaal ka tirsan ciidanka PMPF oo la hadlay PUNTLAND POST ayaa xaqiijiyay qabashada doonta wadey saanad hub ah oo isugu jira qoryaha fudud iyo kuwa culculus.

Wuxuuna sheegay inay ka timid dalka Yemen doonta hubka sida qarsoodiga uga dejinaysay xeebta ku teedhsan Gobolka Bari .

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay ciidamada Puntland qabtaan dooni wada saanad hub ah.

PUNTLAND POST