Dagaal u dhaxeeyo Maleeshiyo Beeleed oo ka qarxay duleedka Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya Gobolka mudug ayaa ku waramaya in dagaal u dhaxeeya Labo Maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug in uu haatan ka soconayo Bariga Gobolkaas.

Dagaalka ayaa ka bilowday deegaanka Godad ee Gobolkaasi Mudug.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadda dagaalamaya.

Deegaanka Godad oo ku dhow deegaanka Jeexdin ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay dilal la xiriira dhanka aanooyinka qabiilka, iyadoo aysan jirin cid wax ka qabatay.

Puntland iyo Galmudug ayaa ku heshiiyay dhowaan in xal laga gaaro dagaalka soo laa laabta ee u dhaxeeyo Maleeshiyo Beeleedka wada daga Gobolka Mudug.

Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah 

PUNTLAND POST

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *