Dagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo Abuu-Mansuur oo dib uga Qarxay Gobolka Bakool

Muqdisho (PP) ─ Dagaal culus oo u dhexeeya xoogag taabacsan Sheekh Mukhtaar Roobow Cali [Abu-mansuur] iyo Al-shabaab ayaa dib uga qarxay deegaanka Aba lee gobolka Bakool, halkaasoo Arbacadii ay dhinacyadani ku dagaalameen.

Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaalkan uu qarxay kaddib markii Al-shabaab ay mar kale weerartay wadaadka baxsadka ka ah ee Abu-Mansuur, iyadoo la sheegayo in dhinacyadu ay hub kala duwan isku adeegsanayaan.

Kooxda Al-shabaab ayaa la sheegay inuu u yimaadeen ciidammo gurmad si ay dagaalka lagula jiro wadaadkan uga qayb-qaataan; iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkaan.

Ciidammo fara badan oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur-galbeed ayaa shalay gaaray deegaanno ku dhaw halka ay ciidamada iska soo horjeeda ku dagaalamayaan, lamina oga in dagaalkaan ay qayb ka yihiin iyo in kale.

Ugu dambeyn, Dagaalkii midkan ka horreeyay ayaa la sheegay in labadaan dhinac ay isaga dileen ku dhawaad labaatameeyo qof, halka ay tiro intaas ka badan isaga dhaawaceen.

Wararka ku saabsan dagaalkan waxaad kula socon doontaa Puntlandpost.com

PUNTLAND POST