Aqoonyahan Fariin Adag u diray Baarlamanka Puntland

Cabdixabiib Yaasiin Warsame oo wax ka dhiga Jaamacadd ku taala dalka Maraykanka ahna falanqeeye arrimaha siyaasadda Soomaaliya oo wareysi siiyay barnaamijka Dareenka Dhiirane ee PUNTLAND POST ayaa si adag uga hadlay xaaladda Puntland ee dhinacayada siyaasadda,amaanka iyo dhaqaalaha.

Aqoon yahankan oo ku sugan Maraykanka ayaa u sheegay PUNTLAND POST  inay u baahan tahay marxaladda xilligan ay ku jirto Puntland wax ka qabasho, wuxuuna ku sababeeyay midaas hoos u dhac ku yimid hawlihii loo igmaday hay’adaha Dastuuriga ah.

Cabdixabiib Yaasiin ayaa ugu baaqay Barlamanka Puntland inay la xisaabtamaan Xukuumadda Madaxweyne Gaas , Wuxuuna ku booriyay inay si dhab ah u matalaan shacabka.

Dhinaca kale Cabdixabiib Yaasiin Warsame ayaa soo dhaweeyay Go,aankii Baarlamanka Galmudug ay xilka uga qaadeen Madaxweyne Cabdikariin Guuleed , Isagoona taas bedelkeeda ugu baaqay inay ku dhiiradaan go,aan kaas la mid ah Gollaha Shacabka Dowlada Puntland.

Halkan ka daawo wareysiga Cabdixabiib Yaasiin Warsame.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST