Musharaxiin War-murtiyeed ka soo saaray Kampala

Afar musharax oo kala ah Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamud Faroole, Shariif Sheekh Axmed, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo Cabdinaasir Maxamed Cabdulle yaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Kampala ee dalka Uganda waxay ka soo saareen War-murtiyeed ay uga hadleen Arimaha Doorashada Soomaaliya .

Musharaxiinta ayaa marka hore soo dhaweeyay Doorashadii Gudoonka Golaha Shacbka Soomaaliya, waxayna u hanbalyeyeen Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka iyo labadiisa ku-xigeen.

War-murtiyeed ayey sidoo kale baaq ugu direen Xildhibaanada labada Aqal ee Barlaamaanka, Shacabka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo ay khusayso Doorasha Soomaaliya,waxayna Hay’adaha iyo lataliyaasha Amniga Qaranka ugu baaqeen in ay dhexdhexaad ka ahaadaan Doorashada.

Musharaxiinta ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin Khilaafka siyaasadeed ee maamulka Galmudug, waxayna ugu baaqeen in arintaas si nabad galyo ah oo waafaqsan Dastuurka maamulka Galmudug lagu dhameeyo.

Warbaahinta Puntland post ayaa isbuucii hore shaacisay xogta kulanka musharaxiinta ee Kampala Akhriso warbixintii hore ee ay shaacisay Puntland Post

Musharaxiintan ayaa ka mid ah Huwanta isbedel doonka, waxayna ku midoobeen sidii ay ugu babac dhigi lahaayeen Xasan Shiikh iyo Cumar Cabdirashiid, waxaana la sheegaa in Huwantu guulo ka gaareen Doorashadii Gudoonka Barlamaanka Soomaaliya.

 Hoos ka Akhriso War-murtiyeed ay soo saareen Musharaxiintu

PUNTLAND POST