Faroole iyo Shiikh Shariif oo ku heshiinaya KAMPALA


Wararka PUNTLAND POST ka helayso magaalada Kampala ee caasimada dalka Ugandha ayaa sheegaya inay ku kulmi doonaan halkaas Musharax Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed (Faroole) Madaxweynihii horre ee Puntland iyo Musharax Shiekh Shariif Sheikh Axmed Madaxweynihii horre ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Kulanka labada musharax oo ah mid aan horey loo shaacin ayaa ilo wareedyo lagu kalsoon yahay sheegayaan inuu ku qotomo doorashada Madaxtinimada dalka Soomaaliya gaar ahaan sidii isu tanaasul uu u dhex mari lahaa Cabdiraxmaan Faroole iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Wuxuuna kusoo beegamayaa kulanka Shiikh Shariif iyo Cabdiraxmaan Faroole xilli horey uu ugu guuldareystay Raysal wasaare Cumar Cabdirashiid dalabkii uu ku doonayay inuu ugu tanaasulo Musharax Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Faroole.

Musharax Cabdiraxmaan Faroole Madaxweynihii horre ee Puntland ayaa galinkii horre shalay safar uga kicitimay magaalada Garowe, Wuxuuna maanta uu uga sii gudbay Nayroobi oo uu xalay ku hoyday magaalada KAMPALA ee xarunta dalka Ugandha.

Dhinaca kale Musharax Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Kampla ee xarunta dalka Ugandha, Halkaas oo ay ka mid yihiin arrimaha uu u tagey balanta u dhaxaysa isaga iyo Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed (Faroole).

Kala soco wixii faahfaahin ah PUNTLAND POST