Shaqooyin ka bannaan Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland

This listing has expired.

Website Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland

Hordhac:

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland waa Guddi dastuuri ah oo oo loo aasaasay hirgalinta hannaanka xisbiyada badan iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka qabsoonta dhammaan deeganada Puntland. Hawlaha Guddiga loo xilsaaray qabashadooda waxaa ka mid ah:

  • Diiwaangelinta ururada siyaasadda
  • Diiwaangelinta muwaadiniinta xaqa uleh inay codeeyaan
  • Maaraynta iyo fulinta doorashada golayaasha deegaanka
  • Diiwaangelinta saddexda xisbi siyaasadeed ee ku soo baxa doorashada dawladadaha hoose

Ka dib dhismihii Guddigaan oo ah kii saddexaad, waxaa Guddigu meelmariyay qorshe istiraatiijiyadeed oo leh yoolal hagaya dhammaan hawlaha Guddiga. Qorshahaas oo lagusoo bandhigay dhammaan Gobolada Puntland waxaa lagama maarmaan ah in hirgalintiisa ay ka shaqeeyaan shaqaale leh aqoon iyo xirfad sare. Waa sababta aan usoo xayaysiinay shaqooyinkaan bannaan oo ah qaybta koowaad, si qof walba oo reer Puntland ay ugu suuragasho in uu usoo tartamo jagada uu leeyahay aqoonteeda iyo khibradeeda.

Jagooyinka bannaan:

  1. Agaasimaha Waaxda Doorashooyinka (1 boos)
  2. Agaasimaha Waaxda Wacyigelinta iyo Tababarada (1 boos)
  3. Guddoomiyayaasha Guddiga ee Gobolada Bari, Karkaar iyo Nugaal (3 boos)
  4. Guddoomiyaasha Guddiga ee Degmooyinka Uffayn iyo Eyl (2 boos)

Shuruudaha qofka laga rabo:

  1. Waa in uu codsaduhu yahay qof jaamacadda heerka koowaad dhameeyay
  2. Waa in codsaduhu leeyahay ugu yaraan khibrad 5 sano ah (Guddoomiyayaasha heer Gobol iyo heer Degmo waxaa ku filan 3 sano oo khibrad ah).
  3. Waa in uu kusoo lifaaqaa Arjiga Codsiga cinwaanada 3 qof oo horay ay usoo wadashaqeeyeen.
  4. Waa in qofku leeyahay xirfado usuuragelinaysa qabashada waajibaadka shaqo ee la iska rabo.

Sida loosoo codsanayo:

  1. Qofwalba oo danaynaya jago ka mid ah jagooyinka kor ku xusan waa in uu usoo diraa nuqul CV giisa ah iyo warqad codsi oo ay ku cadahay booska uu codsanayo email kaan hr@tpec.pl.so
  2. Kaliya waxaa la aqbalidoonaa in codsiyada iyo CV yada lagusoo diro email ka kor ku xusan, lamnana aqbalidoono codsi aan email kaas lagusoo hagaajin.
  3. Soo dirista codsiyadu waxay ku egyihiin maalinta Isniinta 13 ka bisha 4aad 2020 saacadu markay tahay 5pm. Codsigii waqtigaas ka dib lasoo diro lama tixgalindoono.

Xog guud:

  1. Imtixaanku wuxuu noqondoonaa qoraal iyo waraysi afka ah
  2. Imtixaan walba waxaa lagu qaadayaa meesha booskaas xarunta u ah, tusaale booska Guddoomiyada Guddiga ee Gobolka Bari waxaa lagu qaadayaa imtixaankiisa magaaladda Boosaaso.
  3. Waxaa reeban warqado taageero ah oo lagasoo qorto xafiisyo dawladeed ama masuuliyiin dawladeed. Aqoontaada iyo xirfadaada kaliya ayaa tixgelinta leh.
  4. Waxaa lagusoo diri karaa codsiyada iyo CV yada kaliya email ka cinwaankiisu kor ku yaalo. Kusoo calaamadi email ka magaca shaqada ee aad codsanayso.

Wixii faahfaahin dheeraad ah oo aad u baahato la xiriir xafiiska Guddiga, gaar ahaan xafiiska Xoghaynta Guud ee Guddiga: 0907658461.

La deg warqada oo ah PDF