Warbixin Qarsoodi ah: Is-bahaysiga Sacuudiga oo lagu daray Liiska Madow

Warbixin Cusub oo ay soo saartay Waaxda Arrimaha caruurta ee Qaramada Midoobay oo ku saabsan dhibaatada da’yarta loogu geysto goobaha colaadda, ayaa liiska madoow ee danbiyada ku dartay Is-bahaysiga sacuudiga ee ka dagaallama dalka yemen iyo Kooxda Xuutiyiinta ee ka horjeeda,waxayna ku eedaysay in ay mas’uul ka yihiin dil faro-badan iyo askarayn lagu hayo carruurta dalka Yemen.

Warbixinta oo ay gudbisay Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta ku nool goobaha colaadda Virginia Gamba, oo ay aragtay Wakaaladda wararka Reuters,ayaa sidoo kale ku eedaysay dhammaan Kooxaha ka dagaallama dalka in ay dhibaato baahsan ku hayaan Carruurta dalkaasi.Warbixinta ayaa lagu caddeeyey in Is-bahaysiga Sacuudigu ay mas’uul ka yihiin dhimashada 683 carruur ah gudaha dalka Yemen iyo burburinta 38 iskuullo iyo isbitaallo sannadkii tegay ee 2016.

Safiirka Sacuudiga ee Qaramada Midoobay Abdallah Al-Mouallimi oo Wakaaladda Wararka Reuters ay wax ka weydiisay eedaymaha warbixintan ku xusan ee loo jeediyey Xulafada dalkiisu hoggaansho, ayaa diiday in uu wax jawaab ah ka bixiyo ilaa si rasmi ah loo shaaciyo warbixinta,wuxuuna yiri”Ma jiro qiilo loogu daro Is-bahaysiga liiska madoow”, ayuu yiri Al-Mouallimi .Af-hayeen u hadlay QM Stephane Dujarric ayaa sidoo kale xaqiijiyey jiritaanka warbixinta,balse wuxuu diiday in uu faahfaahiyo inta si rasmi ah looga soo bandhigayo.

Qabyo-qoraalka warbixintaan ayaa u baahan in uu saxeexo xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres,waxaana la horgeyn doonaa 15 xubnood ee joogtada ah ee Qaramada Midoobay 31 bishaan Oct,si ay uga dood uga yeeshaan eedaymaha ku qoran. Is-bahaysiga Sacuudiga ayaa liiska madoow si kooban loogu daray xilligii uu QM xoghayaha u ahaa Ban Ki-moon ,iyadoo lagu eedeeyay xad-gudubyo dhanka xuquuqda Insaanka ah,inkastoo markii dambe laga saaray liiskaasi.

Hawlgalka is-bahaysiga Sacuudiga ee dalka Yemen ayaa bilowday bishii March ee sannadkii 2015,kadib markii Ururka Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran ay qabsadeen inta badan magaalooyinka  iyo gobollada dalka Yemen oo ay ku jirto caasimadda SANCA.Is-bahaysiga ayaa xilligaasi guluf xooggan oo cir iyo dhul ah ku ballaariyey dalkaasi,si ay Xuutiyiinta uga saaraan.

Dagaalka socda ku dhowaad 3 saddex sano  ee dalka Yemen ayaa waxaa ku dhintay kumanaan ruux,halka ay ku baro-baxeen malaayiin kale,waxase xaaladdu ka sii dartay markii daacuun si xawli ah ku fidayaa  uu dalkaasi ka dillaacay sanandkaan 2017.Burbur laxaad leh ayaa gaaray dhammaan xarumihii adeegga dadweynaha oo ay ku jiraan,Isbitaalladii,Iskuuladii iyo jaamacadihii.

Hay’adaha gargaarka ee Caalamiga ah ayaa sheegay in loo baahanyahay caawinaad ballaran oo la gaarsiyo dadka reer Yemen,laakiin waxay tilmaameen in dhibaato weyn ka haysato dhinacyada colaaddu ka dhexayso,kuwaasoo aan fursad siin shaqaalaha gargaarka in ay galaan goobaha colaadda.

PUNTLANDPOST

 Cabdiraxmaan Ciise Cumar