
Taliska qaybta Booliiska gobolka Nugaal ayaa ku hawllan in uu dib u-habayn ballaaran ku sameeyo shaqada Booliiska Nugaal,kadib dhaliilo loo jeediyey oo ku saabsan khilaaf ragaadiyey shaqadooda,taasoo keentay in xilka laga qaado Taliyihii hore ee Qaybta G/Sare Cabdirashiid Maxamuud Aw-Xuseen(Xinjiro-dhuuq).
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Puntland Bile Faarax Calioo ku taariikhaysan 5 Sep 2017 ayaa xilkii looga qaaday G/Sare cabdirashiid Maxamuud Aw-xuseen,taliyihii qaybta gobolka Nugaal,waxaana xilkaasi loo magacaabay G/Sare Faarax Warsame Daad(Faarax Galangoolli),balse saacado yar kadib ayaa Xinjiro-dhuuq beeniyey in xilkii laga qaaday,wuxuuna wareegtadii soo baxday ku tilmaamay”mid aan sharciga loo marin”.
6 Sep 2017, taliyihii la magacaabay iyo kii xilka laga qaaday ayaa qarka u istaagay in dagaal ku dhexmaro gudaha Saldhigga magaalada Garoowe,inkastoo markii dambe qaar kamid ah odoyaasha Garoowe ay ku qanciyeen taliyihii hore cabdirashiid Maxammuud Aw-xuseen (Xinjiro-dhuud) in uu xilkaasi wareejo,taasoo uu aqbalay,inkastoo aanay jirin xaflad xil wareejin oo la qabtay,sida aan xogta ku helnay.
Khilaafka keenay in xilka laga qaado Xinjiro-dhuuq ayaa ka bilowday muran ka dhashay amar uu bixiyey talihii guud ee Booliiska Puntland Sarreeye Guuto Cabdulqaadir Shire Faarax(Ereg),kaasoo lagu siidaayey dhalinyaro ku xirnaa saldhigga dhexe Garoowe.Amarkaasi ayaa shaqadii looga joojiyey taliye Ereg,kadib digreeto ka soo baxday xafiiska Cabdixakiin cameey,waxaana shaqada sii hayey ku-xigeenkiisa Bile Faarax Cali.
Taliyaha Cusub ee Booliiska Nugaal Faarax Warsame Daad(Galangoolli) ayaa markuu xilka qabtay kulan deg dega ah isugu yeeray saraakiisha Booliiska Nugaal,wuxuuna ka dalbaday in ay la shaqeeyaan,taasoo ay aqbaleen dhammaantood,balse waxay kula taliyeen in uu dib u-habayn ku sameeyo shaqada Booliiska gobolka,si loo dar dar geliyo hawlgallada lagu sugayo ammaanka,islamarkaana looga kaaftoomo Ciidanka la-dagaallanka Argagixisada iyo Daroogada oo lagu eedeeyey in ay hayaan shaqadii Booliiska,sida ay tilmaamayso xogta aan helnay.
Galangoolli ayaa xilligaasi u ballanqaaday saraakiisha in uu dib u-habaynta ballaaran ku samayn doono shaqada Booliiska,taasoo ka bilaaban doonta kormeer guud oo uu ku maro dhammaan xarumaha Booliiska ee gobolka Nugaal.Taliyaha ayaa ka sheegay kulanka uu la qaatay saraakiisha Booliiska in uu dadaal dheer u geli doono sidii loo xallin lahaa dhammaan khilaafaadka ragaadiyey hawlahoodii.
Subaxnimadii hore ee saaka 3 Oct 2017 ayaa taliyaha Booliiska Nugaal safar ugu baxay degaanno ka tirsan gobolka Nugaal oo ay kamid yihiin;Dangoroyo,Qarxis,Eyl,Xasbahalle iyo Buurtinle,wuxuuna ugu kuur-gelayaa shaqada Booliiska degaannadaasi,si dib u habayn loogu sameeyo hawlaha amniga ee ay hayaan,sida ay tibaaxayso xogta aan helayno.
Booliiska Degmada Buurinle ayaa khilaaf weyn kala dhexeeyaa taliska Booliiska gobolka Nugaal ee fadhigiisu yahay caasimadda Garoowe,waxaana khilaafkaasi ka bilowday muran dhexmaray taliyihii hore ee qaybta Booliiska Nugaal G/Sare Cabdiraxmaan Xaaji Abshir Faarax iyo saraakiil ka tirsan Booliiska degmada Buurtinle,inkastoo haatan la beddelay qaar kamid ah saraakiishaasi oo aanay wax xil ah haynin.
Taliyihii xigay G/Sare Cabdirashiid Maxamuud Aw-xuseen(Xinjiro-dhuuq) ayaa isu dayey in uu khilaafkaasi xalliyo,laakiin qaar kamid ah odoyaasha degmada ayaa ka codsaday in uu ka war sugo,inta ay ka ogaanayaan tabashada saraakiisha,sida uu Puntland Post u sheegay sarkaal ka tirsan Booliiska Nugaal oo codsaday inaan magaciisa iyo codkiisa la baahin.
Safarka taliye Galangoolli ayaa qaadan doona muddo todobaad ah,waxaana la filayaa markii uu ka soo laabto in uu ka warbixiyo waxyaabihii uu kala kulmay,halka wararka qaar sheegayaan in uu xil ka qaadis ku samayn doon qaar kamid ah taliyaasha Booliiska degaannadaasi.
PUNTLANDPOST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar
“