25 sano Gudahood 7 Dal ayaa Caalamka ku soo biiray.

Axadda Berri ah ayaa loo asteeyay in la qabto aftida madax-bannaanida gobolka Catalonia ee dalka Spain,xilli xukuumadda Madrid ay sheegtay in ay awood adeegsan doonto,si loo joojiyo aftida oo ay ku tilmaantay”mid sharci-darro ah”.

Ciidanka Booliiska ayaa lagu gedaamay inta badan xarumihii codbixinta,waxaana amar lagu siiyay in ay xiraan shirkadaha isgaarsiinta gobolka,si loo joojiyo aftida berri loo madlanyahay,sidoo kale qaar kamid ah qalabkii codbixinta ayaa la sheegay in lala baxay,balse mas’uuliyiinta Catalonia  ayaa ku adkaysanaya in maalinta berri aftida la qabto.

Kumannaan ruux oo taageersan aftida ayaa xalay buuxdhaafiyey Iskuullada ku yaalla gobolkaasi iyagoo carruurtoodii wata,waxayna diideen in ay halkaasi ka baxaan ilaa laga gaarayo wakhtiga loo asteeyey in  la qabto aftida.Booliiska ayaa dadka u sheegay in ay isaga baxaan goobaha Iskuuladaha ah,haddii kalena xoog looga saarayo.

Dhinaca kale shirkadda Google ayaa saartay app-kii codbixiyaasha tusayey goobaha codbixinta,waxayna caddaysay in ay amar maxkmadeed qabto,laakiin qaar kamid ah codbixiyaasha ayaaba mar hore la sii degay app-kaan,kuwaasoo haatan awooda in ay u adeegsanadaan aftida berri.

Catalonia waxaa ku nool 7.5 malyan oo ruux.waa gobol leh luuqad iyo dhaqan u gaar ah,muddo ayuu raadinayey in uu ka goosto dalka Spain,laakiin xukuumadda ayaa si weyn u diiddan madax-bannaani gobolkaasi helo,waxaana dastuurka ku qoran”in uu yahay qayb kamid ah dalka”.

Qaar kamid ah dalalka caalamka oo ay ugu horreeyaan kuwa reer Yurub ayaa sidoo kale diiddan aftida laga qabanayo gobolka Catalonia,waxayna sheegeen in aanay aqoonsan doonin natiijada soo baxda.

Isniintii todobaadkii tegay gobolka Kurdistan ayaa u codeeyay in uu ka goosto dalka Ciraaq,kadib markii  92% dadkii aftida laga qaaday taageereen madax-bannaani,xilli dowladda Ciraaq ay si adag uga hortimid aftidii la qabtay iyo natiijadii soo baxday.Sidoo kalena qaar kamid ah dalalka gobolka iyo kuwa caalamkaba ay ku gacan-sayreen.

25-tii sano ee la soo dhaafay waxaa caalamka ku soo biiray 7 dal oo cusub,kuwaasoo ka go’ay waddamo kale,kadib muddo dheer oo ay ku jireen halgan joogto ah,waxaana todobadaas dal kala yihiin; Kosovo, Montenegro, East Timor, Palau, Eritrea iyo South Sudan.

PUNTLANDPOST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar