Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo booqday deegaanka Goob weyn

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Suldaan Cabdulqaadir Xaaji Maxamed ( Luga dheere) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa booday shalay galab oo Tallaado ahayd ee deegaanka Goob weyn ee Jubada hoose.

Weftiga madaxweyne ku xigeenka Jubbaland waxaa kamid ahaa Wasiiro iyo saraakiil kale waxaana lala xiriirinaya inay u kuurgalayeen xaala deegaanka , waxay booqdeen xarumo ku yaal deegaanka.

Madaxweyne Luga dheere ayaa shacabka ku nool deegaanka Goob weyn oo hoostaga Kismaayo ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka iyo masuuliyiinta deegaanka.

“Goobweyn muhiimad gaar ah ayay inoo leedahay,marka waxaan idinka codsanaynaa in ciidamada aad kala shaqeysaan nabadgeliyada,Dowladda ha lataageero,meeshaan waad garanaysaan waqtigii hore sida ay ahaan jirtay,maamulka deegaankana la shaqeeya si amniga loo sugo” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenku.

booqashada uu ku tagay madaxweyne ku xigeenka Jubbaland iyo weftiga uu hogaaminayey deegaana Goob weyn ayaa kusoo aaday iyadoo dhawaan deegaanka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen xero ciidamada dowlada federaalka iyo kuwa Jubbaland ay Goob weyn ku leeyihiin.

Sawirro

PUNTLAND POST

XASAN BASHE