Masar oo ka hadashay weerarkii Buulo-Gaduud

War qoraala oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada Masar ayaa lagu cambaareeyey weerarkii kooxda Al-shabaab ku qaadeen xero ciidamada dowladdu ku leeyihiin deegaanka Buulo-Gaduud ee duleedka magaalada Kismaayo.

Dowladda Masar ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay ka xuntahay weerarka ciidamada dowladda ay kusoo qaadeen Al-shabaab, waxayna tacsi u dirtay Askartii ku waxyeeloobay weerarkaas.

Masar waxay qoraalkeeda ku sheegtay inay ixtiraamayso xiriirka kala dhexeeya dowladda Soomaaliya , Islamarkaana garab istaagayso shacabka Soomaaliyeed.

Hadalka kasoo baxay dowladda Masar ayaa kusoo aaday xilli dhawaan uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo booqasho uu ku tagay dalka Masar , waxayna heshiisyo kala saxiixdeen madaxda dalkaas.

PUNTLAND POST

XASAN BASHE