Ciidamada dalka Kenya ee jooga inta u dhaxaysa Ceel waaq iyo Kutulo ayaa heegan sare laga liyey, kadib markii Kooxda Alshabaab ay weerartay fariisan ay halkaas ciidamadu ku leeyihiin.
Al-shabaab ayaa xalay weerartay fariisinka ciidamada Kenya ee deegaanka Daba oo u dhaxaysa Ceel Waaq oo gobolka Gaddo ka tirsan iyo deegaanka Kutulo oo xadka Kenya ah , Ciidamada xerada ku sugna ayaa iska difaacay weerarka Al-shabaab kusoo qaaday.
Wargaysyada kasoo baxa Kenya gaar ahaan Star ayaa sheegaya in Al-shabaab weerar xalay ku qaaday Fariisinka, sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya ayaa wargayska u sheegay in ciidamadu iska difaaceen , islamarkaana Al-shababaab ay dab qabad siiyeen dhismayaal ku yaal deegaanka.
Ilaa hadda lama soo sheegin wax khasaare ah , waxaase deegaanka laga dareemaya cabsi ay qabaan dadka deegaanku.
Al-shabaab ayaa weerarada ay fuliso Kenya xoojinaysay billihii laso dhaafay , Ciidamada amaanka dalkaas ayaana feejignaan dheeri ah ku jira , wuxuu madaxweyne Uhuru sheegay inay ka hortagaan khatarkasta oo dalka Kenya lagu soo qaadayo.
Weerarkan ayaa kusoo aaday xilli 8-dii bishan uu Uhuru Kenyatta ku guulaystay doorashadii ka dhacday dalkaas, hogaamiyaha mucaarad Raila Amolo Odinga oo doorashada looga guulaystay ayaa dacwad ka gudbinaya Uhuru Kenyatta oo uu sheegay inuusan ku guulaysan doorasho cadaalad ah.
PUNTLAND POST
XASAN BASHE