Madaxweynihii xilka laga qaaday Hirshabeelle oo lagu soo dhaweeyey Baladweyne

Madaxweynihii xilka laga qaaday maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan , waxaana kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle, waxgarad iyo dadweyne kale.

Cali Cabdullaahi oo markii uu soo gaaray Baladweyne loo ka xeeyey xarunta gobolka Hiiraan , ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato Odayaasha iyo waxgaradka kasoo jeeda gobolka .

Madaxweynaha Hirshabeelle intuu ahaa wuxuu gobolka Hiiraan u magacaabay degmooyin dhowra .

Cosoble oo wali ku adkaysanaya inuu yahay madaxweynaha Hirshabeelle ayaa la sheegay inu Odayaasha iyo waxgaradka ka dhaadhicin doono inuu yahay madaxweynaha Hirshabeelle .

PUNTLAND POST

XASAN BASHE