Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo la hadlay BBC-da ayaa ka hadlay go’aankii dowladda federaalku kaga joojisay xukuumadda in baraha bulshada soo dhigaan arrimo quseeya dowladda oo aysan ka warhayn.
Juxaa ayaa sheegay inuu yahay Wasiirka arrimaha gudaha wixii isaga quseeyana uusan cidna fasax ka weydiisanayn, islamarkaana uu kala yaqaan wuxuu soo dhigayo Facebook-ga iyo wixii kale.
Wasiirka ayaa tilmaamay inuu leeyahay Facebookga , isagoo inta kudaray inuu ka hadli wixii ku saabsan arrimaha gudaha .
“Waxaan la filayaa go’aankaasi lama xiriirto shaqadeyda, anigoo kale hadda waxaan ahay Wasiirka arrimaha Gudaha, shirkaan anaga ayaan qaban qaabinay, tan oo kale fasax uma qaadaneyno, laakiin haddii ay noqoto arin kale oo Siyaasada dalka khuseysa oo aanan aheyn shaqadayda, malaha taas ayaa loola jeedaa tana ma khuseynayso, waan leeyahay facebook waan isticmaalaa, laakiin waan aqaan waxaan gelinaayo iyo inaan ka fiirsado waxa ay tahay.” ayuu yiri Cabdi Faarax Siciid Juxa .
Warqad kasoo baxday xafiiska Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa wasiiradda looga mamnuucay inaysan qoraalo ku saabsan arrimaha dowladda kusoo qorin Facebook-ga kadib dhacdadii deegaanka Bariire , waxaana dhacdadaas siyaabo kala duwan uga hadlay qaar kamid ah golaha wasiiradda.
PUNTLAND POST
XASAN BASHE