Shir looga hadlayo Qaxootiga Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka fumay Shir looga hadlayo Qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo laabanaya Kenya iyo barakacayaasha ku sugan gudaha dalka .

Shirka waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka socday maamulka goboleedyada , dowladda federaalka iyo xubno ka socda Ha’yadaha Qaramada midoobay, wuxuuna socon doona muddo sadex barri ah.

Ha’yadda Qaraxamada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa shirka soo qaban qaabisay , waxaana looga hadli doona mudadda uu socdo qaabka qaxootiga Soomaaliyeed dalkooda ugu soo laaban karaan , iyo sidii gacan loo siin lahaa.

Waxaa sidoo kale masuuliyiinta iyo Ha’yaduhu kawada hadli doonaan sidii baahiyahooda loo dabooli lahaa barakacayaasha ku sugan dalka.

Sanadkii 2014kii ayaaa Ha’yadda UNCHR , dowladda Kenya iyo Soomaaliya ay kuwada heshiiyeen in dib loo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya iyagoo aan la khasbayn.

SAWIRRO.


PUNTLAND POST.

XASAN BASHE