Meydadka dad lagu laayay Bariire oo lagu soo bandhigay Mudhisho

Maanta galinkii danbe waxaa magaalada Muqdisho la keenay Meydadka ilaa 9 qof oo la sheegay in ay shacab ahaayeen, kuwaas oo xalay Ciidamada Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwo Mareykan ah ay ku dileen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Meydadka oo la dhigay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa loo soo bandhigay Saxaafada magacyadooda, waxaana sawirada Meydadka ka muuqday labo caruur ah.

Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhiga dowladda federaalka Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in weerarkii xalay ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose ay fuliyeen ciidamada dowladda Federaalka oo aysan lug ku laheyn ciidamo kale.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in dadka halkaasi lagu laayay ay ahaayeen 9 qof oo rag ah, kuwaasi oo hubeysnaa, diideyna in ay dhigaan hubka, xabadna bilaabay ciidamaduna ay sidaasi ku toogteen.

Deeganka Bariire oo ay degan yihiin dad beeraley ah ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay saldhig weyn u ahayd Al-Shabaab, waxaana dhowr jeer ka dhacay duqeymo

PUNTLAND POST