Cosoble oo xil ka qaadistiisa ku eedeeyey dowladda federaalka

Madaxweynihii maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo ka hadlay xilka qaadis ay ku sameeyeen baarlamaanka maamulkaas ayaa sheegay inuu sabab u yahay khilaaf ka dhaxeeya isaga iyo dowladda federaalka midaasna ay tahay sababta xilka looga qaaday siduu sheegay Cosoble.

Cosoble ayaa tilmaamay in maamulkiisa lagu furay tushuus islamarkaana Xildhibaanadu ay keeneen mowshin isaga xilka looga qaaday , Madaxweynihii Hirshabeelle ayaa hadalkiisa ku daray in sababta keentay khilaaf isaga iyo dowladda federaalka ay keentay khilaaf wadamadda Khiliijka , isaguna rabay in la taageero dowladda Sucuudiga balse dowladda federaalka ay dhex dhexaad ka noqotay.

Madaxweynihii maamulka Hirshabeelle ayaa diiday xil ka qaadis baarlamaanku ku sameeyeen isaguu ku tilmaamay mid sharci daro ah.

Maalmihii ay nu soo dhaafnay Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa xilka ka qaaday madaxweyne Cosoble , waxaana Kooram xilka looga qaaday soo xaadiray 76 Mudane, 68 kamid ah ayaa u codeeyey in xilka qaadista Cosoble, 6 Xildhibaan ayaa diiday halka 2 mudane ay ka aamuseen.

Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Hirshabeelle Canab Axmed Ciise ayaa ku dhawaaqday in baarlamaanku xilka ka qaadeen madaxweynaha.

PUNTLAND POST

XASAN BASHE