Madaxweyne Gaas oo golihiisa wasiiradda horgaynaya baarlamaanka

Waxaa maanta la horgaynayaa Baarlamaanka Puntland golaha wasiiradda uu madaxweynaha Gaas soo celiyey qaarna uu soo magacaabay si ay xasaanada usiiyaan.

53 Wasiir ayey ka kooban yihiin wasiiradda uu madaxweyne Gaas soo magacaabay, lamana garanayo in baarlamaanku wada ansixindoonaan iyo in kale.

Wasiiraddii Haweenka , Dastuurka , xanaanada xoolaha , Duulista iyo Garoomada ayaa waayey xilalkoodii, Halka wasiiraddii Amaanka, Arrimaha gudaha iyo howlaga guud loo magacaabay wasaarado kale.

Horay baarlamaanka ayaa xanaanadii ugala laabtay wasiiradda dhamaantood iyagoo sheegay inay gabeen howshii ay dalka u hayeen, waxaana madaxweynuhu dib usoo magacaaay 53 xubnood oo ka kooban kuwii hore iyo kuwo cusub.

Madaxweyne Gaas ayaa la filayaa inuu golaha wasiiradda maanta horgeeyo Baarlamaanku isagoo ku qancin doona inay meel mariyaan wasiiradda .

PUNTLAND POST

XASAN BASHE