
Xildhibaannada Baarlamaanka Somaliland ayaa maanta oo Axad ah Baashe Maxamed Faarax u doortay guddoomiyaha cusub ee golahaas, kadib markii uu xilkaa iska casilay gudoomiyihii hore, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo mudo laba iyo toban sanadood ah soo hogaaminayey.
Doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland oo ahayd mid adag ayaa waxaa fadhiga golaha soo xaadiray 77 Xildhibaan waxaana lagu kala guuleystay Hal cod, kadib markii Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax uu helay 39 cod, halka Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle uu helay 38 cod.
Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka Somaliland Baashe waxaa uu horey uhaa guddoomiye ku xigeenka Baarlamaan waxa uuna ka mid yahay xisbig talada haya ee Kulmiye, wauxuuna ka soo jeedaa Gobolka Sool, halka Cabdiraxmaan Talyanle oo laga guuleystay uu isna ka tirsanyahay xisbiga mucaaradka ah ee Wadani.
Sidoo kale todobaadka danbe ayaa la filayaa in la doorto guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Somaliland.
PUNTLAND POST