Garowe:- Shir ay yeesheen dowladda iyo ganacsatada oo go’aamo laga soo saaray

Waxaa maanta xirna inta badan goobaha ganacsiga Garowe waxayna ganacsatadu sheegeen in doolarku uu marayo halkii ugu saraysa, islamarkaana ay dhibaato ku qabaan lacagta shillin Soomaaliga oo ay tilmaameen inaan iyaga laga qaadanayn.

Shir ay maanta xarunta gobolka Nugaal ku yeesheen wasaaradda Maaliyadda , Bankigaga dowladda , maamulka gobolka Nugaal, kan degmada, iyo ganacsatada ayaa looga hadlay sidii ay ku socon lahayd lacagta shillin Soomaaliga ah iyo sidii xal looga gaari lagaa sicirka bararka.

Waxaa madasha ka hadlay wasiir ku xigeenka dakhliga wasaaradda Maaliyadda , gudoomiyaha gobolka Nugaal , Duqa degmada , waxayna sheegeen in dowladdu qaadanayso doorka ay ku leedahay sidii loo xalin lahaa arrimahaas.

Shirka waxaa laga soo saaray go’aamo waxaana warbaahinta u akhriyey gudoomiyaha gobolka Nugaal, waxaa kamid ahaa go’aamada in la qaadanayo lacagta shillin Soomaaliga ah marka laga reebo mida jeex jeexan iyo in doolarka lagu sarifo gacanta hore 27 halka gacanta dambe lagu qabanayo 28 .

Hadaba halkan ka Daawo Shirka iyo go’aamadii laga soo saaray.

PUNLAND POST

XASAN BASHE