AMISOM oo isaga baxday deegaanka Leego

Ciidamada AMISOM ee howlgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa qayb kamid ah waxay maanta isaga baxeen deegaanka Leego oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose, waxaana sidaas warbaahinta u xaqiiyey maamulka deegaanka.

AMISOM ayaa saaka ka baxay xerada ay ka deganaayeen deegaanka Leego , iyagoo aaday dhanka magaalada Muqdisho , lamana garanayo sababta ay deegaanka uga baxeen.

Gudoomiyaha deegaanka Leego Abuukar Cabdullaahi Isaaq (Al-cadaala) oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa u sheegay in AMISOM aysan garanayn sababta ay uga baxeen deegaanka , shalay ayuu tilmaamay in lagu soo wargaliyey in Ciidamadu ka baxayaan deegaanka.

“Ciidamada AMISOM saakay ayay baxeen, wax jooga malahan degaanka, shacabka xoogaa cabsi ayaa soo food saartay taasi oo ah in Shabaab ay weerar soo qaadaan, balse intii karaankeena ah waan la dagaalameynaa Shabaab” ayuu yiri Alcadaala.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in ciidamada Leego ka baxay lagu badali doono ciidamo kale oo jooga magaalada Baydhabo.

Dadka leego waxaa soo foodsaartay Cabsi ku aadan in Al-shabaab deegaanka gudaha usoo galaan, maadaama ciidamada AMISOM isaga baxeen.

Halkan ka Dhagayso Codka

PUNTLAND POST

XASAN BASHE