Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa kullan gaara la qaatay Xildhibaanada mowshinka ka wada Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya , kuwaas oo gaaray 80 mudane .
Farmaajo ayaa Xildhibaanada u sheegay inay joojiyaan mowshinka, waxayse ku adkaysteen inaysan ka laabanayn dib u eegista ay ku samaynayaan Wasiir Xoosh Jabriil.
Axaddii aynu soo dhaafnay ayey ahayd markii Baarlamaanku u yeereen wasiirka oo uu ka cududaartay imaanshaha Baarlamaanka, waxayna Xildhibaano 80 gaaraya u codeeyeen in dib u eegis lagu sameeyo xilka Wasiirka.
Dastuurka Soomaaliya ayaa cadeynaya qodob ka mid ah sababaha Baarlamaanka Soomaaliya ay xilka uga qaadi karaan masuul xukuumadda ka tirsan hadii uu imaan waayo Baarlamaanka marka looga yeero.
Xildhibaanada ayaa ku haysta wasiirka go’aankii Baarlaamka Soomaaliya ku diideen go’aankii ka soo baxay maxkamadda Sare ee dalka taasi oo la xiriirtay dib ugu laabashada doorashada sideed Kursi oo ka tirsan Aqalka Golaha Shacabka, oo Xoosh Jabriil ku tilmaamay sharci daro in Baarlamaanku ka horyimaado.
PUNTLAND POST.
XASAN BASHE