Madaxweynaha Puntland oo xafiis ka furay Bosaso dibna ugu soo laabtay Garowe

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maanta gaaray magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa dib ugu soo laabtay Garowe, waxaana Bosaso kusoo dhaweeyey Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdulle (Indhaguran) iyo masuuliyiinta gobolka bari.

Cabdiwali Gaas ayaa maanta markuu tagay Bosaso waxaa ka socotay mudaharaad looga cabanayey saro ukaca sicirka iyo kala sooca shlin Soomaaliga , waxaana mudahaaraadkaas ku dhaawacmay taliyaha Dekada Bosaso Maxamed Cali Xaashi iyo labo Askari oo kale.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa magaalada horay u galin, waxaana madaxweynuhu xariga ka jaray xafiis Cusub oo lagu sheegay inuu ka shaqayn doono ilaalinta tayada.

Cabdiwali Gaas oo xarig jarka hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay in inuu ku faraxsan yahay inuu xafiiskan ka furo basaso islamarkaana noqon doono mid wax weyn utara shacabka Puntland.

Ku simaha Wasiirka ganacsiga Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdulle (indhoguran) ayaa sheegay in Xafiiskan uu ka shaqayn doono sidii loo tayeyn lahaa alaabaha kasoo degma Dekada Bosaso.

Magaalada ayaa hadda degan, waxaana xiran goobaha ganacsiga qaarkood , waxaa sidoo kale la joojiyey shaqadii dekada Bosaso kadib markii gaadiidlaydii alaabta qaadi jiray shaqo joojin sameeyeen iyagoo ka cabanaya saro u kaca sicirka.

Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa kusoo laabatay Garowefuritaanka xafiiska kadib.

Halkan ka Dhagayso codki Madaxweynaha.

Halkan ka Dhagayso Codka Indho guran.



PUNTLAND POST

Xasan Bashe