5 Qof oo ku dhaawacmay iska hor imaad ka dhacay Galdogob

5 Qof ayaa ku dhaawacmay dagaal dhexmaray ciidamada Booliiska iyo dad shacab ah degmada Galdogob ee gobolka Mudug , Sida uu noo xaqiiyey Taliyaha degmada Cabdixamiid Warsame Cilmi.

Arrintan ayaa timi kadib markii rag uu ku sheegay Taliyuhu inay cabsanaayeen ay magaalada xabad ku fureen shalay subax kadibna Booliisku ay raadiyeen , wuxuu hadalkiisa ku diray inay qabteen darawalkii iyo nin kale , hal mid sadexaad oo la socday uu Gaari la gadoomay oo isagoo dhaawaca ay soo qabteen islamarkaana geeyeen Isbitaalka.

Taliye Cabdixamiid ayaa tilmaamay in iyagoo jooga Isbitaalka ay soo weerareen Rag hubaysan ciidankuna ay iska difaacen halkaasna ayku dhaawacmeen 3 Askari iyo 2 dumar ah oo xabaduhu xafadahooda ugu tageen.

Magaalada Galdogob waxaa baryahan ka socday howlgalo lagu banaynayo wadooyin loo samaynayo magaalada, waxaana ku sugna degmda guddiga amniga gobolka Mudug.

Halkan ka Dhagayso Codka.

PUNTLAND POST.