Sirdoonka Kenay oo helay xog ku saabsan weeraro Al-shabaab qorshaynayaan

Laamaha amaanka dalka Kenya ayaa amray in feejignaan dheeri ah la muujiyo, waxayna adkeeyeen amaanka goobaha qaarkood , arrintaan ayaa timi kadib markii sirdoonka iyo booliiska ay soo gaareen xogo ku saabsan in shabaab weeraro ka gaysan doonaan gobolo kamid ah dalkaas.

Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay inay heleen xogta ku saabsan weerarada , waxayna soo saareen digniin cusub oo ku wajahan xogta ay heleen, waxay tilmaameen in Al-shabaab qorshaynayaan inay weeraro ka gaystaan gudaha dalka Kenya.

Gobolada ay qorshaynayaan inay Al-shabaab weeraro ka gaystaan xilliga doorashada ayaa lagu sheegay Mandera, Wajir, Garissa, Lamu, Tana River, Kilifi iyo Mombasa oo kawada tirsan dalka Kenya.

Weerarada Al-shabaab qorshaynayaan inay ka gaystaan gudaha Kenya ayaa kusoo aadaysa xilli doorshada dalkas dhacay 8 August, waxaana jirta cabsi laga qabo weeraro ka dhaca gudaha dalka xilliga doorashada.

PUNTLAND POST

Xasan Bashe.