Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku xukuntay Axmed Cabdullaahi Ceydiid oo dilay wasiirkii howlaha guud dowladda Soomaaliya Marxuum Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji sida Maxakamadda horteeda laga sheegay.
Axmed ayaa horay rafcaan uga qaaday xukun dil ah oo maxkamaddu ku xukuntay , kadib markii uu ku qanci waayey ku xukunkii maxkamadda darajada kowaad.
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa loo soo gud biyey xukunka Axmed waxayna saaka ku xukuntay dil toogasho, Xukunka maxkamadda waxaa ku dhawaaqay gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow.
Wasiirka ayaa la dilay 3 bishii 03-dii Bishii May ee sanadkaan isagoo wata gaari nooca raaxada ah wuxuuna agmarayey madaxtooyada Soomaaliya, labo xabood ayaa muraayada hore ee gaariga looga soo dusiyey, labo askari oo ilaali u ahaa hanti dhowrihii Qaranka ayaa loo soo qabtay.
Waxaana dilka wasiirka maxkamaddu ku cadaysay Axmed Cabdullaahi Ceydiid oo dil toogasho ku xukuntay.
Halkan ka Dhagayo Codka.
PUNTLAND POST
Xasan Bashe.