Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa maanta ka baaqday Baarlamaanka oo uu hortagi lahaa , wuxuuna ka cudurtaartay in dib loogu dhigo, Warqaduu u qaray gudoonka sarre Baarlamaanka ayuu ka codsaday in dib loogu dhigo kullanka, islamarkaana uu imaanayo 11 August hadana uu aadayo Caafimaad.
Gudoomiyaha aqalka hoose baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan (Jawaari) ayaa xildhibaanada u sheegay in warqada Wasiirka cod loo qaado in laga aqbalay iyo in kale.
Asbuucii aynu soo dhaafnay ayey ahayd markii 10 Xildhibaan dalbadeen in loo yaaro Wasiirka , waxayna su’aalo ka weydiin lahaayeen, go’aankii Baarlaamka Soomaaliya ku diideen go’aankii ka soo baxay maxkamadda Sare ee dalka taasi oo la xiriirtay dib ugu laabashada doorashada sideed Kursi oo ka tirsan Aqalka Golaha Shacabka, oo Xoosh Jabriil ku tilmaamay in baarlamaanku ka horyimaado sharci daro.
Cod loo qaaday in dib u eegis lagu sameeyo xilka wasiirka waxaa u codeeyey 85 Xildhibaan, halka 77 ay diiday, waxay baarlamaanku u xilsaareen inay dib u eegis ku sameeyeen xilka wasiirka guddiga joogtada ah ee baarlamaanka.
PUNTLAND POST
Xasan Bashe