Booliiska Australia oo ka hortagay weerar lagu soo ridi lahaa Diyaarad

Ciidamada Booliiska dalka Australia ayaa ka hortagay weerar lagu soo ridi lahaa Diyaarad sida uu sheegay Ra’iisul wasaare Malcolm Turnbull, weerarka ayuu sheegay inuu ahaa mid aragagixiso , afar nin ayaana loo qabtay.

Diyaarada ayaa loo adeegsan in lagu soo rido walxa qarxa , waxayna sheegeen ciidamada sirdoonka inay heleen macluumaadka ku saabsan diyaarada.

Afar nin ayaa loo qabtay weerarka , Booliiska ayaa baritaano waxay ka sameeyeen qaybo badan oo ka tirsan magaalada Sydney , Ra’iisalwasaaraha dalkaasi Malcolm Turnbull ayaa tilmaamay inay hadda socdaan howlgalo.

Haweenay wiil ay dhashay iyo Ninkeedu ku jiraan afarta nin ee loo qabtay weerarka ayaa beenisay in wiilkeeda iyo Ninkeedu aysan ku luglayan weerarka argagixisinimo.

Ciidamada Booliiska iyo kuwa Sirdoonka ayaa howlgalo hadda ka wada magaalaada Sydney.


PUNTLAND POST

Xasan Bashe