Baarlamaanka Koonfur galbeed ayaa madaxweyne Shariif Xasan Shiikh Aadan waxay ugud biyeen inuu isku shaandheeyo golaha wasiiradda oo ay sheegeen inay qaarkood gabeen shaqadii loo igmaday , waxayna xildhibaanada qaybtood xuseen in loo baahan yahay isbadal ka dhaca Koonfur galbeed, si loo dar dar galiyo howlaha shaqo.
Xildhibaanada ayaa qaba in wasiirkii shaqadiisii kaso baxay oo loo bogay lasoo celiyo , si uu halkaas uga si wado shaqada ,Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed ayaa kulamo la qaadanaya Xildhibaanada ,Siyaasiyiinta iyo waxgaradka, wuxuuna culayska ugu badan uga imaanaya Siyaasiyiinta .
Madaxweyne Shariif ayaa hadda ku howlan sidii uu isugu shaandhayn lahaa wasiiradda, wuxuuse dareemaya culays uga imaanaya beelaha iyo Siyaasiyiinta.
Wasiiradda Gal-mudug ayaa la magaacabay labo sano ka hor walina lama horgayn Baarlamaaanka.
Halkan ka Dhagayso Codka
PUNTLAND POST.
XASAN BASHE.