Madaxweynaha maamulka Gal-mudug Axmed Geelle Ducaalle ( Xeef) ayaa ka hadlay dagaalo ka socda Xeeraale iyo Caabudwaaq oo ka tirsan gobolka Galgaduud, waxa uu sheegay madaxweynuhu inay ka xun yihiin dagaalka halkaas ka socda, wuxuu ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya inay si deg deg ah ku joojiyaan dagaalka.
Xeef ayaa tilmaamay in ciidamada Booliiska Gal-mudug ku guuldaraysteen inay joojiyaan colaada aloosan, wuxuuna ku amray inay si deg deg ah ku kala dhex galaan dagaalada, si uusan u daadan dhiig dembe.
Dhanka kale Madaxweynaha Gal-mudug ayaa Ahlusunna udiray fariin ah inay joojiyaan dagaalada oo kusoo biiraan Gal-mudug, isagoo xusay in Gal-mudug diyaar u tahay wada hadal.
Degmada Caabudwaaq ayaa dagaalku ka dhashay kadib markii Wasiirka ganacsiga Galmudug Cabdiladiif Cabdullaahi Warsame uu tagay degmada , waxaana halkaas ku dagaalamay malayshiyo taabacsan wasiirka iyo Ahlusunna.
Deegaanka Xeeraale waxaa ku dagaalamayey maalmahan malayshiyo beeleed iyo Ahlusunna dagaalka ayaa yimi kadib markii magaalada lagu dilay nin ganacsade ah.
Xasan Bashe.
PUNTLAND POST.