Garowe-(PP)- Dowladda Kenya ayaa ka cabsi ka qabta weeraro ay kooxda Al-shabaab gudaha dalkaasi ka gaystaan xilliga doorashada, Kenya ayaa adkeysay amaankeeda waxaana feejignaan dheeri ah galay Ha’yadaha amaanka.
Ha’yadaha amaanka dalkaas ayaa ka digay weeraro ay Al-shabaab iyo kooxaha kasoo horjeeda dowladda ka gaystaan xilliga doorashada .
Dowladda Kenya ayaa tilmaamtay in doorashada amaankeed si aad loo ilaalinayo, kusimaha wasiirka amaanka gudaha Fred Matiang’i ayaa warbaahinta u sheegay in doorashada lagu illaalin doono diyaarado iyo in goobaha la geeyo booliis badan.
” Ciidamada Ammaanka waa in ay indhahooda Furaan oo ay ka hortagaan Weeraradaasi ,maadaama ay jirto cabsi weyn ” ayuu yiri Fred Matiang’i .
Ciidamo boolis u badan ayuu sheegay in ay ilaalin doonaan Goobaha Codbixinta.
” Waxaan diyaarinay Ciidamo badan oo ka hortagi doona Weeraradaasi, waxaana isku dayaynaa in doorashaddu ay dhamaado iyadoo aysan Shabaab Weerar geysan” ayuu yiri Markale Fred Matiang’i .
Doorashada dalka Kenya ayaa lagu wada inay dhacdo 8 August , waxaana jirta cabsi weyn oo laga qabo weeraro dalkaas ka dhaca.
Xafiiska Wararka Garowe.
PUNTLAND POST.