Dowladda Soomaaliya oo dacweynaysa Markabkii jiiray fiilada Internet-ka


Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sharciga la tiigsan doonto shirkadda leh Markab lagu eedeeyay in uu jiiray dhamaadkii bishii la soo dhaafay fiilo Internet-ka soo gaarsiin jirtay Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sharciga horgeyn doonto shirkadda leh Marakabka jiiray fiilada adeega Internet-ka soo gaarsiin jirtay Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha ayaa tilmaamay in shirkadda Markabkaas leh ay khasab ku thay in ay bixiso $10 Million oo ay maalintii khasaarto dowladda Soomaaliya,  haddii ay diidaana la la tiigsan doono Maxkamadda Caalamiga ah.

Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta dowladda federaalka soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa shalay sheegay in dowladda Soomaaliya ay lumisay lacag ka badan  $130 Milion tan iyo maalintii internet-ka la waayay oo ay ka soo wareegatay 13 maalmood.

Markab lagu magacaabo MSC Alice ayaa lagu eedeeyay in uu jiiray fiilada Internet-ka soo gaarsiin jirtay Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kaas oo markii Internet-ku go’ay taagnaa agagaarka Dekedda Muqdisho.

Adeega Internet-ka ayaa ilaa 24-kii bishii June ka maqan qeybo ka mid Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, taas oo saameyn xoogle ku yeelatay Shirkadaha waaweyn, xafiisyada dowladda iyo dhamaan shacabka ku nool goboladaas gaar ahaan shacabka caasiamda Muqdisho.

Horaantii sanadkan ayay ahayd markii cilad tanoo kale ah dhacday, kadib markii Markab jiiray fiilo Internet-ka soo gaarsiin jirtay Soomaaliya.

PUNTLAND POST