Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay heshiiska Dekedda Berbera


Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo maanta ka qeyb galay furitaankii kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka 10-aad ayaa markii ugu horeysay ka hadlay heshiiska Dekedda Berbera.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dastuurka dalka qodobkiisa 7-aad, Faqrooyinkiisa 2-aad, 4-aad iyo 5-aad uu dhigayo ilaalinta madax bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda.

Waxa uu tilmaamay in heshiiska Dekedda Berbera uu ka horreeyey doorashadii 8-da Febraayo ee sanadkan, isaga oo intaas raaciyay in xog dhameytiran lala wadaagi doono Golaha Shacabka iyo hay’adaha kale ee ay khuseyso.

“Anigoo tixraacaya qoraalkii iga soo gaaray Guddoonka Golaha Shacabka 3-dii bisha May 2017, kaas oo ku saabsanaa heshiiska Berbera, waxaan caddeynayaa qodobadaan:

1) Sida ku cad dastuurka Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed qodobkiisa 7-aad, faqradiisa 2-aad, 4-aad iyo 5-aad, waxaa waajib nagu ah illaalinta madax-banaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
2) Waxaan caddeynayaa in bilowga howlshaas ay ka horreysay 8-dii feberaayo, 2017 -kii. Sidaa awgeed, dowladdu waxay ku howlan tahay sidii ay u heli lahayd xog dhameystiran oo la xiriirta arrintaan.
3) Marka aan helno xog dhameystiran, waxaan la wadaagi doonnaa Golaha Shacabka iyo dhammaan hay’adaha ay khuseyso” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Somaliland ayaa 11-kii bishii May ee sanadkan si rasmi ah ugu wareejisay maamulka Dekedda magaalada Berbera shirkada DPWORLD ee wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta laga leeyahay oo  horay heshiis 25 sano ah ay  la galeen.

Sidoo kale Somaliland ayaa sheegtay in dowlada Ethiopia laga siiyay Dekedda Berbera Saami dhan 19% oo ka kala yimi DPWORLD oo la hayd Saami ah 65% laga jaray 14%, halka Somaliland oo la hayd 35% laga jaray 5%, sidaasna Ethiopia lagu siiyay 19%.

Waxayna sheegtay Somalinad in Saamiga 19% ah ee Ethiopia la siiyay loogu gartay, maadaama ay tahay macmiilka ugu weyn ee isticmaali doona Dekedda Berbera.

Shirkadda DPWORLD ayaa sidoo kale la gashay Puntland heshiis ay kula wareegayso Dekedda magaalada Boosaaso.

PUNTLAND POST