Ahlusunna oo eedeysay dowladda Federaalka Soomaaliya

Ahlusunna Waljamaaca oo ka arimisa qeybo kamid ah gobolada dhexe ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka gaabisay wax u qabashada dadka ku nool goboladaas.

Madaxa Warfaafinta Ahlusunna Waljamaaca Muxudiin Cali Jimcaale (Jakuula) ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay gar-gaar ka hesho hay’adaha caalamiga ah, laakiin aysan siin wixii ay xaqa ula haaayeen Ahlusunna, taasina aysan ahayn mid loo dulqaadan karo.

Jakuula ayaa sheegay in shacabka gobolada dhexe ay saameysay Abaartii ku dhuftay dalka, kuwaasi oo hada ay daruufo kala duwan ku heystaan degaanada Ahlusunna ay maamusho.

Sidoo kale Muxudiin (Jakuula) ayaa dowladda Federaalka iyo hay’adaha gar-gaarka bixiya ka codsaday in Ahlusunna la siiyo xuquuqda ay lahaayeen, si la mid ah midka maamulada dalka.

Deegaanada ay ka arimiso Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxaa wali ka jirta abaartii dalka ka dhacday, taas oo saamayn weyn u geysatay dadka iyo duunyo.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ku guuldareysatay heshiisiinta Ahlusunna iyo Galmudug oo isku haya maamulka gobolada dhexe.

PUNTLAND POST