Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay diidmada lacagta shilinka Soomaaliga


Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay qalalaasaha ka taagan gobolada dhexe ee dalka ee ku aadan diidmada lacagta shilinka Soomaaliga.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo wareysi gaara siiyay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dadka goboladaas ay ka biyo diidsanyihiin lacago cususb oo la soo daabacay, dowladda Soomaaliyana aysan raali ka ahayn lacagahaas.

Wuxuuna ugu baaqay dadka soo daabaca lacagahaas in ay ka waantoobaan ficilada shacabka Soomaaliyeed lagu dhibaataynayo, isagoo ku tilmaamay nasiib daro talaabooyinka noocaaas ah.

Sidoo kale Wasiir Beyle ayaa sheegay in daabacaada lacagaha sharci darada ah ay ka mid tahay dambi la galo kuwooda ugu waaweyn, maadaama ay dhibaateynayaan buu yiri Malaayiin shacab Soomaaliyeed ah, islamarkaana xukunnada ka dhalan kara ay kamid tahay dil.

Magaalooyinka Beledweyne, Guriceel, Dhuusamareeb, Cadaado, Caabudwaaq iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolada dhexe ayaa waxaa ka jira dhibaatooyin dhaqaalaha iyo nolasha dadka saameyn weyn u geystay, kadib markii ay ganacsatadu diideen in ay wax ku iibsadaan lacagta shilinka Soomaaliga.

Ganacsatada magaalooyinkaas ayaa xiray meheradii waxayna ku andacoonaya in suuqyada lasoo geliyey lacago farabadan oo been abuur ah.

PUNTLAND POST