Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa lagu wareejisay 120 Maxbuus oo Soomaali ah oo muddo ku xirnaa dalkaas.
Ra’iisul wasaaare Kheyre ayaa sheegay in Itoobiya ay maxaabiistan ku wareejisay iyadoo fulinaysa heshiis ay safarkii hore wadagaleen oo ay ku heshiinay in Maxabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalkeedda lagu soo wareejiyo dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in ay guul tahay in qeyb kamid ah heshiiskii dhax maray Soomaaliya iyo Itoobiya la fuliyay laguna wareejiyay Maxaabiistan Soomaaliyeed oo dalka Itoobiya ku xirnaa waqtiyo kala duwan.
Maxaabiis badan oo Soomaaliyeed ayaa ku xiran dalal badan oo caalamka ah, waxayna talaaba Ra’iisul wasaaare Kheyre noqonaysaa tii ugu horeysay oo madaxda Soomaaliya kaga jawaabto.

Ra’iisul wasaaare Kheyre oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa maanta ka qeyb galay shir madaxeedka Midowga Afrika oo lagu qabtay Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa waxaana diiradda lagu saarayay dhallinyarada Afrika.
Dhanka kale Ra’iisul wasaaare Kheyre ayaa la kulmay Madaxweynaha Bangiga horumarinta Afrika waxay ku heshiiyeen in la bilaabo mashaariic horumarineed oo loo sameynayo dhallinyarada Soomaaliyeed.
PUNTLAND POST