Xulufada Sucuudiga oo 48 saac ku kordhiyay shuruudihii Qadar

Xulafada Sucuudiga ee muranka Diblomaasiyadeed uu ka dhexeeyo dowladda Qadar ayaa maanta sheegay in ay 48 saacadood u kordhiyeen wakhtigii ay u qabteen in ay kaga soo jawaabto shuruudihii ay ku xireen.

Dowladda Kuwait oo dhex-dhexaadinaysa labada dhinac ayaa Axadii dalbatay wakhti kordhin intii aan wakhtigii hore ee 10 cisho ahaa ka dhamaan Qadar.

Bayaan ay si wada jira u soo saareen Kuwait iyo Sucuudiga ayay ku sheegeen in wakhtiga loo kordhiyay dowladda Qadar.

Sucuudiga, Masar, Baxrain iyo Imaaraadka Carabta ayaa 5-tii bishii June xiriirka Diblomaasiyadeed u jaray dawladda Qadar, iyaga oo ku eedeeyay in ay daganaansho la’aan ka wado gobolka ayna taageerto ururrada argagixisada.

Sidoo kale 23 June Xulufada Sucuudiga ayaa Qadar ka dalbaday liis ay ku qoran yihiin 13 dalab oo ay lagama maarmaan tahay in ay fuliso hadii ay rabto in laga qaado xayiraada.

Waxaana dalabyadaas ku jiray in Qatar ay gabi ahaan xirto warbaahinta Al-Jazeera iyo ay xiriirka u jarto Iran, sidoo kale waxaa dalabyada ka mid ahaa in ay xirto Saldhiga Milatari ee Turkiga ku leeyahay Qadar iyo in ay xiriirka u jarto dhammaan ururada Argagixisada gaar ahaan kooxaha Ikhwaanul Muslimiin, Daacish, Al-Qacida iyo kooxda Xisbullah.

Dhanka kale dowladda Qatar ayaa iska fogeysay inay dhaqaale siiso Argagixisada, waxayna beenisay dhamaan eedeymaha loo soo jeediyay.

Dowlada Qadar ayaa haatan muddo bil ah waxaa dhanka khaliijka ka saarnaa xayiraad dhaqaale iyo mid Diblomaasiyadeed.

PUNTLAND POST