
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa halkaas ugu qeyb galaya shir ay leeyihiin Midowga Africa oo sanadkiiba labo jeer la qabto sida bilaha June iyo July, iyadoo sida caadada ah shir hore uu ka dhaco magaalada Addis Ababa, halka shirka labaadna uu magaalo kale ka dhaco.
Shirka labaad ee Midowga Africa ayaa lagu waday in lagu qabto magaalada Kigali ee dalka Rwanda, balse loo soo wareejiyay Addis Ababa.
Arrimaha shirka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah dib u habeynta Ururka Midowga Africa iyo kharashaadka uu ku shaqeynayo ururkaasi.
Safarka Ra’iisul wasaare Kheyre ku aaday Addis Ababa ayaa noqonaya kii labaad uu ku tago magaaladaas muddo bil gudahood.
Sidoo kalana waa safarkii saddexaad ee uu dibadda ugu ambabaxo tan iyo markii xilka Ra’iisul Wasaaraha loo magacaabay dhamaadkii bishii February.
PUNTLAND POST