Nabadoon Yaasiin Cabdisamed oo kamid ah nabadoonada gobolka Mudug ee Puntland oo xalay ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 1-da Luulyo oo Garowe ka dhacday ayaa si kulul uga hadlay xaalada gobolka Mudug, midnimada Soomaaliya, dowladda federaalka iyo qodobo kale.
Nabadoon Yaasiin Cabdisamed ayaa sheegay in gobolka Mudug ay ka jirta dhib, ayna waxgaradka, qeybaha bulshada iyo maamulka Puntland u dhamaadaan taladiisa,ayna ka yeeshaan siyaasad cad, sidoo kalana dowlada federaalka ayuu uqaabay in Puntland iyo Galmudug ku wada hadlaan Miis banaan oo Soomaali weyn iyo beesha caalamkuba arkayso.
Dhanka kale Nabadoon Yaasiin Cabdisamed ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay qeybiso awoodeeda iyo wakhtigeeda ayna gaarsiiso maamul goboleedada dalka, sidoo kale maamul goboleedada ayuu iyana ugu baaqay in ay xiriir wanaagsan la yeeshaan dowladda federaalka.
Hadalka Nabadoon Yaasiin Cabdisamed ayaa ku soo aadayo iyadoo dhawaan heshiis ka kooban Todoba qodob ay Gaalkacyo ku gaareen Puntland iyo Galmudug, ayna goob joog ka ahayd dowladda federaalka Soomaaliya.
Hoos ka dhageyso codka Nabadoon Yaasiin Cabdisamed
PUNTLAND POST