Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo u dirtay Mukhtaar Roobow

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa  ciidamo u dirtay deegaanka uu ku sugan yahay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, si looga badbaadiyo weerar uga yimaada Al-shabaab, sidaas waxaa xaqiijiyay saraakiisha ciidamada.

Ciidamada Dowladda Federaal ayaa la sheegay in ay gaareen deegaanka Baano oo qiyaastii 8-KM u jirta Deegaanka Abal  ee Gobolka Bakool oo ah halka uu ku sugan yahay Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur .

Al Shabaab ayaa hareereeyay deegaanka Abal oo qiyaastii 20-KM u jirta magaalada Xudur waxaana deegaankaas Mukhtaar Roobow ku haystaa maleeshiyaad la hayb ah.

Mareykanka ayaa dhawaan Mukhtaar Roobow ka saaray liiska waxa loogu yeero Argagaxisada, wuxuuna dib ula laaabtay abaalmarin lacageed oo dhan $5 Milyan oo la dul dhigay madaxiisa.

Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa  horey u soo noqday Amiir ku xigeen iyo Afhayeenka ururka Al-shaabab.

PUNTLAND POST